Madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ahna ku-simaha Madaxwaynaha Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir guddoomiyey Shirka Khamiis laha ah ee Golaha Wasiirrada.
Shirka oo Maanta ka qabsoomay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu lagu gorfeeyey Arrimo kala duwan oo la xiriira xaaladihii ugu dambeeyay ee Arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan doorashooyinka.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa shirka ku soo bandhigtay Warbixin la xiriirta Arrimaha Amniga iyo ka hortega falalka amni darro ee xiliyada qaarkood geystaan dagaalamayaasha Al-shabaab .
Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa sidoo kale shirku intii uu socday soo bandhigtay warbixinta Qorshaha xalka waara iyo tababar loo fidiyey 20 Wasaaradood.
Intii uu shirku socday Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa iyana soo bandhigtay Warbixinta fulinta amarkii ay dhawaan soo saartay Wasaaraddu ee la xiriiray joojinta bacaha balaastigga ah, iyadoona la adkeeyey in amarkaasi la fuliyo.
Ugu dambayn Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan saamaynta ay bacaha Balaastigga ah ee la mamnuucay ku hayaan hayaan deegaanka.