Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq ayaa khudbad uu galabta u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in heshiis laga gaaray arrimaha la isku hayay ee doorashada ee dhaceysa.
Wasiirka ayaa sheegay in mabda ahaan ay dhinacyada ku heshiiyeen saddexda qodob ee uu muranka ka taagnaa, iyadoo war murtiyeedka heshiiskana la soo saari doono Khamiista soo socota.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tan iyo Sabtidii ku shirsanaa xeradii ciidanka cirka ee Afisyooni ee Muqdisho.
Heshiis ay dhinacyada gaaraan ayaa dhabaha u xaari kara in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay, kadib markii uu muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhammaaday 8-dii February.
Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka warbixiyey Shirka wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka oo maalintii afaraad galay ayaa waxaa uu sheegay in horumarro laga sameeyay qodobbadii laga wadahadlayay.
Macallimuu ayaa tilmaamay in Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ee sabtida ka furmay Magaalada Muqdisho lasoo xiri doono maalinta khamiista ee soo socota, lagana soo saari doono War-murtiyeed.