Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo tallaado ah waxaa lagu wadaa in lagu soo gaba-gabeeyo Shirkii Guddiga Amniga Doorashooyinka Qaran ee 2020/2021 oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socday Caasimadda.
Shirkaan oo bilowday maalintii Axada aheyd ee todobaadkaan ayaa waxaa looga hadlayay howlada sugiga amniga doorashooyinka gaar ahaan qorshayaasha la soo diyaariyay sida nidaamka Maamulka, miisaaniyadda iyo tababariyada ciidamada ee sugida goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.
Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in inta uu socday shirka la isku afgartay qorshaha diyaar garoowga iyo sugida amniga Doorashooyinka ee dhacaya dhammaadka sandkaan 2020/2021.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya, xubno ka kala socdo xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Taliska Xoogga dalka, Taliyaasha Ciidamada Booliska dowlad Goboleedka dalka, Wasaaradda amniga gudaha, Mas’uuliyiinka ka socoto Qaramada Midoobay iyo AMISOM.
Si kastaba muran xoogan ayaa weli ka taagan doorashada dalka gaar ahaan Guddiyada la magacaabay heer Federaal iyo heer maamul Goboleed, isla markaana waxaa kasoo horjeeda Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland oo diiday soo magacaabista Guddiyada laga sugayo, iyadoo ay xusid mudan tahay in Musharaxiinta ay magacaabeen Guddiga badbaadinta doorashada dalka.