Shil Gaari oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa xalay waxa uu ka dhacay Duleedka bari ee Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer kadib markii sida la sheegay ay isku dhaceen laba gaari.
Shilkaan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo kala ahaa Bas ay leedahay shirkada Bixin Group iyo mid Booyad ah,waxaana inta la xqiijiyay ku geeriyooday 8 ruux halka laba kelna ay ku dhaawacmeen oo saarnaa labadii gaari ee isku dhacday.
Goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray dadka deegaanka kuwaas oo gurmad u sameeyay dadkii ku waxyeelobay shilkaas,kuwaas oo badankood la geeyay Isbitaalka Magaalada Hargeysa.
Shilalka ka dhaca mararka qaar deegaanada Soomaaliland ayaa sababa khasaaraha dadka saaran gaarigaas,waxana loo sababeynayaa burburka Wadooyinka qaar ee deegaanada uu Maamulo maamulka Soomaaliland.