Sheekh Shariif oo kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa Maanta gaaray dalka Jabuuti, iyagoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Socdaalka Sheekh Shariif ee Jabuuti ayaa waxaa ku wehlinaya Xoghayaha arrimaha dibadda Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Danjire Cabdirisaaq Shoolle oo kamid ah xubnaha sare ee Xisbig, waxaana Garoonka diyaaradaha dalkaas kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan Jabuuti.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Sheekh Shariif ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Geelle uu warbixin ka siiyay aragtida Xisbiga Himilo Qaran ee dhismaha dowladnimada iyo doorashada la filayo 2020/2021.

“Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti madax iyo shacab waxaan uga mahad celinaynaa markasta doorkooda muuqda ee dib u dhiskii dowladnimadii naga burburtay” ayuu yiri Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran.

Kulanka Sheekh Shariif uu la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa qeyb ka ahaa safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb Aadan Xasan Aadan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media