Shaqsi bedelaya Mas’uul lagu eedeeyey Musuq maasuq oo si KMG ah loo Magacaabey

Waxaa si KMG ah Maanta loo Magacaabey Maamulka guud ee Kastamka Canshuuraha ee dekada Muqdisho,kadib xarigii Agaasimaha Kastamka Axmed Cabdullaahi Samow.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa Maamulka guud ee furdada dekada Muqdisho u Magacaabay Xasan Cabdi Casiis Axmed (Baashe),isaga oo Maanta shaqadiisa bilaabay,kadib markii la dhaariyey.

Howlihii Shaqo ee Waaxda Canshuuraha dekada Muqdisho ayaa dib u bilaawday kuwaas oo hakad ku jiray tan iyo markii la xirey Maamulkii guud iyo inta badan Shaqaalihii kadib markii lagu soo eedeeyey musuq maasuq.

Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa isaga oo Warbaahinta la hadlayay waxa uu sheegay in baaris ay ku socoto mas’uuliyiintii loo xirey musuq maasuqa ee ka Shaqeynayey Kastamka Canshuuraha dekada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor