Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay la soo wareegtay 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir.
Munaasabadda ay kula soo Wareegeysay Wasaaradda Waxbarashada 24-kan iskuul ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Wasiirka Waxbarashada, Cabdullaahi Goodax Barre iyo xubo kale oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada .
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa u mahad celiyay dalladaha waxbarashada,isagoo sheegay in halkan ay soo gaarsiiyeen Waxbarashada dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Waxbarashada ay marnaba iloobi doonin abaalkooda,dalladaha waxbarasho ee dalka ka jira.
Cabdullaahi Goodax Barre ayaa todobadkaan gudihiisa Xafiiskiisa ku qaabilay hogaanka dalladaha waxbarashada dalka,iyagoona ka wada hadlay arrimo ay kamid ahaayeen hirgelinta manhajka cusub ee wasaaradda waxbarashada ay diyaarisay iyo arrimo kale.