Sawirro:-Wafdi ka socda Turkiga oo gaaray Magaalada Baydhabo

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ,ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatey Wafdi ka socda Jimciyada Khayrad ee Dalka Turkiga.

Kulanka aya waxaa ka soo qeyb galey Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlad Goboleedka KGS iyo Xildhibaan Xasan Macalin yuusuf oo ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed.

Waxana inta Badan kulanka looga hadlay sidii hay’adaha gar gaarka ee ka socda Dowladda turkiga ay gar gaar ufidin lahaayeen qoysaska danyerta ee ku nool Magaalada Baydhabo.

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Glbeed Soomaaliya ahan Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa ugu mahadceliyay sida ay mar waliba ugu gar gaareyan umadda soomaaliyeed.

 

Comments
Loading...