Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta ka qayb-galay furitaanka Shir Madaxeedka Africa Now oo maanta ka furmay Magaalada Kampala Caasimadda Dalka Uganda.
Shirkan oo labo maalmood soconaya ayaa diiradda waxaa lagu saarayaa arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika.
Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Madax ka socota dalalka Afrika iyo xubno kale oo lagu Casuumay Shir Madaxeedka Africa Now ee ka furmay Magaalada Kampala.
Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona qaar kamid ah madaxda ka soo qeyb gashay shirka ayaa waxa uu kala hadli doonaa xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaas, iyo sidii Soomaaliya loogu gacan siin lahaa geeddi socodka dowlad-dhisidda iyo dadaallada lagu la cirib tirayo waxa loogu yeero argagaxisada.
Safarkan shaqo waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi).