Magalada Muqdisho waxa ka socda Shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC,waxana furay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Shirkaa ayaa waxaa ka qeyb galaya oo goobjoog ka ah xubnaha Guddiyada joogtada ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee ah 15-ka dal ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC.
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in shirkaan uu yahay markii ugu horeysay ee lagu qabto Soomaaliya,taasina ay ku timid dadaal ay sameysay Xukuumadda Soomaaliya.
Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC ayaa la aas aasay bishii September ee sanadkii 2007,waxaana shirkooda looga hadli doonaan siiwadida taageerada ay siinayaan Soomaaliya.