Taliyaasha  Ciidanka Booliska maamulka  Jubbaland iyo kan AMISOM ayaa maanta kormeer ku tegay hoolka loogu talagalay in ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo ee maamulkaas.
Col.Maxamed Naasir  oo uu wehlinayay iyo taliyaha Booliiska Amisom qeybta Jubbaland ayaa Maanta soo indha-indheeyay xaaladda amni ee goobta loo cayimay in ay ka dhacdo doorashada iyo sida masuuliyaddooda uga gudan lahaayeen talisyadaan.
Xarunta lagu qabanayo doorashadu waxa  ayaa ku taalla kasoo horjeedka xarunta Baarlamaanka maamulka Jubbaland Ex-Caymiska ee Magalada Kismaayo