Sawirro:-Madaxweyne Waare oo dowladda ka dalbaday furitaanka Waddo muhiim u ah Maamulkiisa

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Muqdisho ayaa xalay Xaflad Casho Sharaf ah u sameeyey saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Maamulkaas.

Madaxweyne Waare iyo saraakiisha ayaa ka wada muhiimada sugida deegaanada Hir–Shabeelle ee weli ay ka jiraan falalka amnidarro iyo sidii dowladda Soomaaliya gacan ugu siin laheyd Maamulka Hir-Shabeelle.

Saraakiisha ciidamada ayuu sidoo kale uga warbixiyey deegaanada ugu daran ee xilligaan amnidarrada ay ka jirto waxa uuna ka codsaday in laga gacan siiyo furitaanka wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad oo mararka qaar ay weeraro ka geystaan Al-Shabaab.

Sikastaba Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maalmaha soo socda waxa uu dib ugu laaban doonaa magalada Jowhar,isaga oo halkaasi kula shiri doona saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM,isaga oo kala hadli doono howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor