Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan Magalada Ankara ee dalka turkiga ayaa waxa uu kulan la qaatay Madaxweynihii ka horreeyey ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay iskula soo qaadeen arrimo muhiim ah oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee uu dalka marayo iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen ka gudbida caqabaddaha horyaalla Dowladda Soomaaliya,sida uu sheegay Madaxweyne Farmaajo.
“Waxaan maanta kula kulmay magaalada Ankara Madaxweynihii hore Mudane Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna.
Kulankaan oo ah kii ugu horreeyey ee labada dhinac tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu la wareegay dalka ayaa waxa uu noqday mid siweyn looga hadal haayo guud ahaan dalka.