Sawirro:-Madaxweynaha Puntland oo Shacab badan kula dukaday Fagaaro ku yaalla Garoowe

Madaxweynaha Maamulka Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Magaalada Garoowe kula dukaday  Salaadda Ciidul Adxaha, Gar ahaan Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale la oogey salaadda ciidda.

Garoonka Mire Awaare ayaa waxaa ku dukaday Salaadda Ciidda boqolaal shacabka reer Puntland ah oo iskaga kala yimid xaafadaha kala duwan ee Magalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaas.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in uu hambalyo u dirayo dhammaan ummadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay adduunka ka joogan gaar ahaan  Shacabka Soomaaliyeed, kuwa reer Puntland waxaan ugu hambalyaynayaa munaasibadda ciidul Adxa fadligeeda oo ah munaasibad ku weyn dadka muslimiinta.  

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media