Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen) ayaa Maanta kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada K/Galbeed musharixiintii kula tartantay xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa Goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,waxaana ay kawada hadleen xaalada deegaanada koonfur Galbeed iyo isbedelka ku yimid Hoggaanka Maamulkaas.
Waxaan maanta qado sharaf ugu sameeyay madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed musharixiintii igula tartameysay hoggaanka KG,Waxaan ka codsadey in ay igala shaqeeyaan sidii Koonfur Galbeed aan ku horumarin lahayn, wadajirna aan ugu shaqeyno bulshadeena ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.
Dad badan oo ka tirsan Madaxda Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Koonfur Galbeed ayaa aad usoo dhaweeyay doorashadii uu kusoo baxay Casiis Xasan Maxamed(laftagareen).