Waxaa xarag Jerka Xafiiska Arrimaha Qunsuliyadaha Laanta Baydhabo kasoo qeyb galay Agaasimaha ku-xigeenka Hay”adda Socodalka Jinsiyadaha Soomaaliya, Mas’uliyiin ka socday wasaaradda Arrimaha Dibada dowladda Federaalka iyo Agaasimaha Hay”adda Socodalka Jinsiyadda Laanta Sedaxaad ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta’gareen ayaa ugu horeen u mahadceliyay Dowlada Fedaraalka Soomaaliya, isagoona Xafiiskan k tilmamey Nasiib wanaagsan in Bulshada Reer Koonfur Galbeed Adeegyadii ay u aadi jireen Muqdisho Fadhigooda looogu Keenay.
Xafiiska Arrimaha Qunsuliyadaha Laanta Baydhabo ayaa Noqoneya kii ugu horeyay oo laga hergaliyo Dowlad Goboleedyada dalka waana Xafiiska labaad ee Qunsuliyadda Soomaaliya.