Sawirro:-Kheyre oo Booqday Ciidamo loo diyaarinayo howlgal ka dhan ah Al-shabaab

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka, Xasan Cali Khayre, ayaa Xerada Tababarka Gen. Gordan Ku booqday ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallo Al-shabaab ay uga xoraynayaan deegaannada ay Gobolada dalka kaga sugan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha oo ciidanka ugu tegay in ku dhiiri geliyo shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo ayaa u sheegay in ciidanku ay hayaan shaqada ugu muhiimsan ee dalka maadaama ay iyagu dhiiggooda dalka u hurayaan.

Ciidanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u ballan qaaday in ay xuquuqdooda si joogta ah u heli doonaan, dowladduna ay si gaar ah xil isaga saartay, baahida qalab ee ay qabaanna loo dhammaystirayo si  dalka iyo diinta ay cadawga uga difaacaan.

Dowladda Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada qorsha dalka looga xoraynayo Al-shabaab, arrintaas oo qayb wayn ka ah halbeegyada tubta amniga iyo hannaanka ciidamada Soomaaliyeed ay ula wareegayaan mas’uuliyadda dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media