Maxkamada Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Isniin ah waxa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Askari horay uga tirsanaa Ciidamada Darawaaishta Jubbaland kaas oo lagu Magacaabo Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi.
Askariga dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa waxaa lagu eedeyay in uu 27-kii Bishii Octoober ee Sanadkana uu Magalada Kismaayo ku dilay Nabadoon Xassan Goolo oo kamid ahaa Waxgaradka deegaanada Jubbaland.
Maxkamadda ayaa 6-dii bishaan November ridday xukunka dilka ah ee qisaasta Nabadoonka, laguna riday eedaysane Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi.
Askariga saaka la toogtay ee Cabdirisaaq Cumar Cabdullaahi ayaa kamid ahaa 11 askari oo ka tirsana Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, kuwaasi oo dhamaantood lagu riday xukuno kala duwan.
Si kastaba Askariga dilka toogashada ah lagu fuliyay in askar kale ayaa dhawaan waxaa Magalada Kismaayo ay dagaal kula galeen Ciidamo ka tirsan Jubbaland,iyaga oo ka dhega adeegay amar kazoo baxay Madaxweyne Axmed Madoobe.