• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 31, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Sawirro:-Duqa Muqdisho oo ka jawaabey cabasho ka timid Darawalada Gaadiidka Dadweynaha iyo Bajaajta

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 23, 2018
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay gaadiidleyda ka shaqeysa Caasimadda, gaar ahaan kuwa dadweynaha ee BL-ka iyo Bajaajta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada ay laf-dhabar u yihiin bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka dan’yarta ah oo ka soo saarta nolol maalmeedkooda, sidaas daraadeedna aan loo dul-qaadan karin wax walba oo dhibaataynaya, waxuna dhinacooda ka codsaday in la ilaaliyo shuruucda, lana shaqeeyaa ciidamadda amniga.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka go’an in dadkiisa uu dhegaysto,

dhibaatooyinka haystana u kuur-galo, rabitaankoodana ku shaqeeyo, xalkana halkaas ka raadiyo, waana tan aan maanta halkan idin kugu yeernay, si aan xal ugu helno cabashadiina idinkuna u ilaalisaan shuruucda.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in ujeedka kulankani uu yahay mid cabashada gaadiidleyda lagu dhageysanayo,si wax looga qabto dhibaatooyinka ay la kulmaan xiliyada shaqada, iyadoo ujeedku yahay in la wada shaqeeyo meelna looga soo wada jeesto wax walba oo dhibaato ku keenaya gaadiidleyda, dhankoodana wuxuu kula dar-daarmay in sharciga loo hoggaansamo, bixiyaana canshuuraha ku waajibay, taas badelkeedana ay heli doonaan waddooyin iyo shuruucdii difaaci lahayd.

“Waxaan idinka rabnaa in aad la shaqeysaan ciidamada amniga, haddaan amni la helin BL iyo Bajaaj ma socon karaan, ka maamul ahaana waxaa diyaar u nahay cid walba oo dhibaato idiin geysata inaan la xisaabtano oo ilaalino xuquuqdiina.”Ayuu raaciyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow).

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska iyo masuuliyiin ka tirsan waaxaha canshuuraha gaadiidka u qaabilsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Previous Post

Dad loo qabtay Qaraxii ka dhacay Magalada Adis Ababa

Next Post

Akhriso:-Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo soo saarey digniin ku socota Ganacsatada Somaliyed

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Golaha Wasiirrada oo Ka Shiray Dagaalkii Beledxaawo
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ka Shiray Dagaalkii Beledxaawo

July 31, 2025
DFS oo Laascaanood ugu dhawaaqday Maamulka Waqooyi Bari
Warar

DFS oo Laascaanood ugu dhawaaqday Maamulka Waqooyi Bari

July 31, 2025
Canada oo Aqoonsatay Falastiin, iyo Hamas oo Bilaabaysa Sii Deenta Maxaabiista
Caalamka

Canada oo Aqoonsatay Falastiin, iyo Hamas oo Bilaabaysa Sii Deenta Maxaabiista

July 31, 2025
Dagaalka Balad-Xaawo oo Barakac Horseeday
Warar

Dagaalka Balad-Xaawo oo Barakac Horseeday

July 30, 2025
Maxaa ka cusub xaalada Beledxaawo
Warar

Waa sidee Xaalada Baladxaawo

July 30, 2025
Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Gaarigii Sahayda u Siday Kooxda Daacish
Warar

Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Gaarigii Sahayda u Siday Kooxda Daacish

July 29, 2025
Next Post

Akhriso:-Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo soo saarey digniin ku socota Ganacsatada Somaliyed

Golaha Wasiirrada oo Ka Shiray Dagaalkii Beledxaawo

Golaha Wasiirrada oo Ka Shiray Dagaalkii Beledxaawo

by Ilhaan
July 31, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadiyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, kadib doorkii ay ka qaateen ilaalinta shacabka...

DFS oo Laascaanood ugu dhawaaqday Maamulka Waqooyi Bari

DFS oo Laascaanood ugu dhawaaqday Maamulka Waqooyi Bari

by Ilhaan
July 31, 2025
0

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inay noqoto caasimadda maamulka cusub ee Waqooyi Bari Somalia,...

Canada oo Aqoonsatay Falastiin, iyo Hamas oo Bilaabaysa Sii Deenta Maxaabiista

Canada oo Aqoonsatay Falastiin, iyo Hamas oo Bilaabaysa Sii Deenta Maxaabiista

by Ilhaan
July 31, 2025
0

Ururka Xamaas ayaa maanta ku dhawaaqay inay dowladda Israa’iil u gudbin doonaan magacyada afarta qof ee la sii dayn doono,...

Dagaalka Balad-Xaawo oo Barakac Horseeday

Dagaalka Balad-Xaawo oo Barakac Horseeday

by Ilhaan
July 30, 2025
0

Warbaahinta maxalliga ah ee Mandheera ayaa xaqiijisay in ku dhawaad 200 qoys – badankood haween, carruur iyo waayeel – ay...

Golaha Wasiirrada oo Ka Shiray Dagaalkii Beledxaawo
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ka Shiray Dagaalkii Beledxaawo

July 31, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
DFS oo Laascaanood ugu dhawaaqday Maamulka Waqooyi Bari
Warar

DFS oo Laascaanood ugu dhawaaqday Maamulka Waqooyi Bari

July 31, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Canada oo Aqoonsatay Falastiin, iyo Hamas oo Bilaabaysa Sii Deenta Maxaabiista
Caalamka

Canada oo Aqoonsatay Falastiin, iyo Hamas oo Bilaabaysa Sii Deenta Maxaabiista

July 31, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaalka Balad-Xaawo oo Barakac Horseeday
Warar

Dagaalka Balad-Xaawo oo Barakac Horseeday

July 30, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maxaa ka cusub xaalada Beledxaawo
Warar

Waa sidee Xaalada Baladxaawo

July 30, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Beled-Hawo Wakes to Fragile Calm After Fierce Clashes Between Federal and Jubbaland Forces
English News

Beled-Hawo Wakes to Fragile Calm After Fierce Clashes Between Federal and Jubbaland Forces

July 30, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Golaha Wasiirrada oo Ka Shiray Dagaalkii Beledxaawo
  • DFS oo Laascaanood ugu dhawaaqday Maamulka Waqooyi Bari
  • Canada oo Aqoonsatay Falastiin, iyo Hamas oo Bilaabaysa Sii Deenta Maxaabiista
  • Dagaalka Balad-Xaawo oo Barakac Horseeday

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00