Akhriso:-Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo soo saarey digniin ku socota Ganacsatada Somaliyed

Xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliya ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay ugu baaqday in ay joojiyaan dhoofinta dhuxusha,isla markaana cidii joojin weyso tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr, Axmed Cali Daahir ayaa lagu sheegay in dhoofinta dhuxusha ay saameyn tii ugu weyneyd ay ku leedahay xaalufinta dhirta oo dhowr mar Xukuumadda Soomaaliya ay digniin ka soo saartey.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay War-saxaafadeedka in dhoofinta dhuxusha ay tahay ilo dhaqaale sigaar ah Al-Shabaab oo dhoofinteeda dhaqaalo badan ay ka soo galaan.

Soomaaliya ayaa inta badan ka mid ah Wadamada laga dhoofiyo dhuxusha,iyada oo loo daabulo inta badan Wadamada Carbeed sida Iiraan ,Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Kuwait iyo Cummaan.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka oo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor