Dowladda Qatar ayaa maanta kafaalo Qaaday 350 Kamid ah Caruurtii ku agoontoowday Xasuuqii ka dhacay sandkii hore Isgoyska Soobe ,kadib munaasabad ay ka qeybgaleen Wasiirro,Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuxigeenka safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya taasoo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
C/nuur Xaaji Cali Mursal oo ah madax Hay’adda Qatar ee Soomaaliya ayaa goobta ka faah faahiyay daryeelka nololeed oo ay dowladda Qadar u fidinayso agoontani.
“Hay’adda Qadar Charity halkaasi ugama harin howlihii gurmadka Qarixii Soobe,500 oo caruur ah ayay horey u kafaalo gaaday,kuwaasi oo kamid ah agoontii 14 October,waxaan maanta halkani aan u joognaa in aan siino lacagihii loo balanqaaday agoontaasi ,sidoo kale waxaan u sameyndoonaa daryeel nololeed waxbarashadooda,caafimaadkooda,ilaa ay ka qaan gaaraan hadii ay weynaadaan waxaan u raadinaynaa waxbarasho Jaamacadeedâ€.Ayuu yiri Cabdi Nuur Xaaji Cali
Wasiiradii ka qeybgalay munaasabadda ayaa sheegay in dhankooda ka Xukuumad ahaan dadaal u gali doonaan sidii loo garab istaagi lahaa caruurta agoonta Soomaaiyeed,waxaana kamid ah mas’uuliyiintaasi C/llaahi Xaamud Wasiiru Dowlaha Xafiiska raiisul Wasaaraha iyo C/rashiid Axmed Maxamed Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Xukuumadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dhamaan laga wada qeyb qaato sidii loogu gurman lahaa caruurta agoonta Soomaaliyeed,isagoo sheegay in loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto dibaatooyinka kooxda Alshabaab.
Muddo hal sano ayaa ka soo wareegatay markii maleeshiyada Alshabaab ay qarax bahalnimo ah ay ka geysteen isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho,kaasi oo sababay in ay agoontoobaan boqolaal caruur ah,dhacdadaasi ayaan noqotay mid dareen xanuun badan ku beertay umadda Soomaaliyeed.