Sawirro:-Ciidanka dowladda oo howlgal ka sameeyay Wado muhiim ah oo ku taalla Sh/hoose

Ciidanka Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka ayaa Howlgalo qorsheysan ka fuliyay Wadada isku xirta Magaalada Marko, Nambar 50, Laanta Buure iyo Muure oo aan lamarin mudo ku dhow 7sano.

Howlgalkan ayaa ujeedkiisa ahaa furitaanka Wadadaasi oo Al-shabaab ay ku aaseen Miinooyin, taasi oo keentay in wadaasi isticmaalkeedu uu yaraado.

Inta uu Howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo saaray dhowr Miino oo Al-shabaab wadada galiyeen waa sida hadalka loo dhigay.

Taliyaha Guutada 14 Oktoobar Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali Axmed (Gaashaan)  oo howlgalka horkacayay ayaa Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in Wadada isku xirta Marko, Afgooye ilaa Muqdisho ay Howlgalo ay kasameeyeen ku guuleysteen haatana nadiif ay tahay islamarkaasna shacabka Soomaaliyeed ay si Nabad ah ugu safri karaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media