Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG, ahna mussharax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Safiirka Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Stephen Schwartz waxay shalay Kulankoodii Koowaad ku yeeshay Xarunta Xalane ee magaalladda Muqdisho.
Labada Mas’uul waxay ka wada hadleen Doorashadda dhawaan ka dhacayso Somalia iyo walaaca laga qabo Dib-u-dhac kale oo ku yimaada Jadwalka Doorashadda.
Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay haddii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha inuu la imaan doono Istaraatijiyad Maamul oo cusub, isla markaana uu ka shaqeyn doono Horumarinta Bulshadda iyo Soo-celinta Nidaamka iyo Nabadda dalka.
Waxa uu intaasi ku daray inuu ka shaqeyn doono dhamsytirka iyo ansixinta Dastuurka dalka, Dib-u-heshiisiin dhamaystiran iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa Doorasho Qof iyo Codkiisa sannadka 2020-ka.
Dhinaca kale, Ambassador Schwartz ayaa ka mahad celiyey sida uu Musharax Sheekh Shariif u oggolaaday casuumadiisa, wuxuuna xusay inay Dowladda Maraykanka taageero ka geysan doonaan Nidaamka Doorashadda iyo sidii ay Somalia u noqon lahayd Waddan deggan oo leh Hay’addo nadiif ka ah Is-qabqabsi iyo Musuq.
©Radio Dalsan