Diyaarad Rakaab oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha Emirates ayaa waxa uu dab ku qabsaday Hawada magaalladda Dubai, ka hor intaysan ku qarxin Dhabaha ay Diyaaradaha soo caga-dhigtaan ee Garoonka Caalamiga ee Dubai International Airport.
Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 777 ayaa ka soo ambabaxday Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Trivandrum ee dalka Hindiya, iyadoo ay la socdeen 300 oo qof oo Rakaab ah.
Muuqaalio ay baahiyeen Telefishinada ayaa muujinayo Ololka Diyaaradda iyo dhimbilo dab ah oo ku faniinayo Dhabaha ay Diyaaraduhu soo caga dhigtaan, kana hinqadaan ee Garoonka magaalladda Dubai oo ay Diyaaradu si degdeg ah u cag-dhigatay.
Dhamaan Diyaaradaha ku soo degi lahaa Garoonka Dubai waxaa loo weeciyey Garoomo kale, iyadoo la hakiyey dhamaan Diyaaradihii ka hinqan lahaa Garoonkaasi.
Mas’uul u hadlay Shirkadda Emirates ayaa sheegay inaysan jirin khasaaro ka dhashay Ololka baabi’iyey Diyaaradaasi, waxaana la badbaadiyey dhamaan 282-kii Rakaabka iyo 18-kii shaqaalaha Diyaaradda.
Rakaabka la socday Diyaarada ayaa ka baxay Daaqadaha degdegga looga baxo marka ay Diyaaradda shil ka dhex dhaco.
Xafiiska Warbaahinta Dubai ayaa sheegay in Rakaabka la socday Diyaaradda ka mid yihiin 24 u dhalatay Britain, 6 Maraykan iyo 4 u dhalatay Ireland.
©Radio Dalsan