Yuusuf C/waxiid Warsame oo 8 jir ahaa ayaa Waaberigii hore ee shalay oo Isniin ahayd ku geeriyooday Bam-gacmeed lagu soo tuuray Dhismo ku yaalla Deegaanka Biskopsgården ee dacalka ku haysa magaalladda Labaad ee ugu weyn dalka Sweden ee Gothenburg
Wiilka ku geeriyooday Qaraxaasi waxa uu xilligaasi la socday Hooyadiisaa, Walaalkiisa iyo Walaashiisa, kuwaasi oo booqanayey Qaraabadooda ku nool dalka Sweden.
Waxa uu ka yimid dalka Britain, isagoo Arday ka ahaa Dugsiga Hoose ee Nelson Mandela Primary School oo ku yaalla Xaafadda Sparkhill ee magaalladda Birmingham ee dalka Britain.
Aabe C/waxiid Warsame ayaa u xaqiijiyey Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Britain inuu Wiilkiisa Yuusuf C/waxiid Warsame ku geeriyooday qarax ka dhacay dalka Sweden.
C/waxiid Warsame oo aabe u ah 7 carruur ah waxa kale oo uu tilmaamay in ay 2 qof oo Somali ah ku dhaawacmeen qaraxa uu Wiilkiisa ku geeriyooday.
Shabakadda Wararka ee Birminghammail.co.uk oo Warbixin dheer ka qortay Dhacdadaasi ayaa lagu xusay in Wiilka yar ee geeriyooday uu ku dhashay, kuna soo barbaaray magaalladda Birmingham, iyadoo Labadiisa Waalid oo wada haysta Baasaboorka dalka Holland u soo guureen dalka Britain sannadkii 2001-dii.
Aabahiisa waxa uu leeyahay Dukaan lagu iibiyo Hilibka Xalaasha oo lagu magacaabo Tawfiq Halal Meat and Grocery Shop, kaasi oo ku yaalla Deegaanka Sparkhill ee magaalladda Birmingham.
Dhinaca kale, Afhayeenka Boliska magaalladda Gothernburg ee dalka Sweden, Thomas Fuxborg ayaa u sheegay Shabakadda Wararla ee thelocal.se in geerida Yuusuf C/waxiid Warsame u baarayaan sidii Fal Dil ah.
Waxa uu tilmaamay inay ugu yaraan 5 carruur iyo dhowr qof oo Qaangaar ah ku sugnaayeen Dhismaha markii Bam gacmeedka lagu soo tuuray.
Afhaayeenka waxa uu intaasi ku daray inuu qof taagnaa bannaanka Dhismahaasi uu Bam-gacmeedka ku tuuray daaqadda qolka jiifka, taasi oo dhalisay geerida Wiilka yare e 8 jirka ahaa oo aan qeyb ka ahayn Qoyska deggan Dhismahaasi.
©Radio Dalsan