Wararka naga soo gaaraya Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiishii Nabadsugida ee dhawaan lagu xiray Magaaladaas si awood ah lagu siidaayay.
Gelinkii dambe ee Maanta ayaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Hir-Shabeelle ay weerareen saldhiga Booliska Baladweyne qeybta Vip-da oo ay ku xirnaayeen taliyihii Nabadsugida Gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisa,kadibna ay soodaayeen.
Mudo daqiiqado ah ayaa la sheegay in Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Xasilinta ee Magalada Baladweyne uu dagaal dhexmaray,hayeeshee ay suurtagashay in ciidamada Nabadsugida ay Xabsiga ka soo daayeen Cabdi Maxamed Cali taliyihii Nabadsugida Gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisii Dhagaweyne.
Labadaan sarkaal ayaa waxaa dhawaan xiray guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed).
1-dii bishii la soo dhaafay ee Siteembar, wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa xilalka looga qaaday taliyaha NISA ee Hiiraan Cabdi Maxamed Cali iyo ku xigeenkiisa Dhagaweyne.
Cabdi Maxamed Cali oo ah taliyihii hore ee Nabadsugida gobolka Hiiraan ayaa sheegay in haatan xaaladooda ay wanaagsan tahay,isaga iyo ku xigeenkiisa,isla markaana ku sugan yihiin Goobtooda Shaqada.