Sanbaloolshe iyo Nuur Iidow Beyle oo isugu soo haray doorashada ka socota Jowhar

Waxaa Goordhow bilaabatay codeynta doorashada Musharixiinta ku tartamaya Xubinta ka banaan Golaha Shacabka ee ka socota Jowhar.

Doorashada ayaa wareega ugu dambeeyay waxaa isugu soo haray Musharixinta kala ah Nuur Iidow Beyle iyo Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe kuwaas oo horay u kala helay codad dhan 24 & 23 Cod

51 Ergo ayaa u kala codeynaya labada musharax,waxaana hadda Jowhar ka socda loolan adag oo u dhaxeeya musharixiinta maadaama ay Codadkooda aad isugu dhow yihiin.

Wixii natiijo ah ee ka soo baxa kala socda Radiodalsan.com

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media