Diplomaasiyiin Safaaradda Somalia ee magaalladda Washington oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin warar maalmihii la soo dhaafay ay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinadda Soomaalida oo ay ku sheegeen inay Safaraaddu ka dambeyso tallaabadda Dhallinyaro Soomaali ah looga soo tarxiili rabo dalka Maraykanka.
Diplomaasiyiinta waxay iska fogeeyeen qorshaha ay Waaxda Socdaalka Maraykanka doonayaan inay Dhallinyaradaasi dib ugu soo celiyaan dalka hooyo, waxayna hoosta ka xariiqeen inay Dowladda Maraykanka leedahay Go’aan ka-gaarista Dhallinyarada ay dhici karto in lagu soo celiyo Somalia.
Dhinaca kale, Diplomaasiyiintu waxay xuseen in ay Hawlaha Safaaraddu ka mid tahay inay Muwaadiniinta Soomaalida u adeegaan, una fidiyaan wixii Dukumentiyo ay uga baahan yihiin iyo Tas-hiilaadka dhinaca Sharciga, iyadoo aan la inkiri karin Xuquuqda Qofka Soomaaliga ku leeyahay Adeegga Safaaraddu u idman tahay.
Afartii sanno ee la soo dhaafay, Safaaradda Somalia ku leedahay Washington waxay gacan u fidisay ilaa 40 Somali iskooda dib ugu soo laabtay Somalia.
Sidoo kale, Xilligii uu Danjire Maxamed Cali Ameriko ahaa Safiirkii Safaaradda Somalia ee Nairobi waxa uu kaalin muuqata ka qaatay sidii Soomaalida ka soo laabanayo Maraykanka loogu fududeyn lahaa Dukumentiyadda iyo Adeegyadda Socdaalka.
©Radio Dalsan