Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Feseraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa MasuuliyiinnCusub u magacaabay Boosaska dhawaannay baneeyeen Xubno kasoo jeeday Maamulka Jubbaland.
Xamse ayaa buuxiyay boosaskii Wasiiru Dowlaha Qorsheynta iyo midka Wasiir Kuxigeenka ee ay iska casileen C/rashiid Jire iyo Axmed Daqare.
Xildhibaan Axmednuur Sheekh Maxamed Laxos ayaa loo magacaabay xilka Wasiiru Dowlaha Qorsheynta, halka C/rashiid Maxamed Ducaale loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada.
C/rashiid Jire iyo Axmed Daqare is casilaadooda ayaa wararka qaar waxaa ah tilmaamayeen inay la xariirto Khilaafka Maamulka Jubbaland iyo Dowladda dhexe.