Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Manama ee Dalka Bahrain, halkaas oo uu kaga qeyb galayo meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa shirka ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabanaysa, oo la xariirta qadiyadaha looga hadlayo shirka berri ka furmaya Magaalada Manama.
Xamse Cabdi Barre ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Manama ee Dalka Bahrain waxa uu kulamo la qaadan doonaa qaar kamid madaxda dalalka ka qeyb galaya meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.