Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cambaareeyay falkii saakay Al-shabaab ku gubeen Gaari Dameero waday Raashin u rarnaa Ganacsatada degmada Waajid ee Gobolka Bakool.
Qoraal uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay falkii ka dhacay duleedka Waajid ee lagu gubay Gaari Dameero waday Raashinka noocyadiisa kala duwan oo loo waday ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugan degmadaas.
Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa waxaa uu falkii dhacay ku tilmaamay mid ka fog naxariista, isla markaana ay sheegay in arrinta dhacday ay soo tixneyd sanado badan, wuxuuna Cambaareeyay falkaas lagu gubay Raashinka.
“Waxaan cambaareynayaa aadna uga xumahay falka arxan darrada iyo burcadnimada ah ee Alshabaab ku gubeen raashin iyo hanti ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool” ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble.
Sidoo kale Rooble ayaa boggaadiyay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 60-aad ee u gurmaday dadkii waday Gaari Dameeradii la gubay ee waday Raashinka, isla markaana waxaa uu ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka Al-shabaab, waa sida uu yiri.
Si kastaba Al-shabaab ayaa muddo sanado ah Go’doomiyey degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana dhowr jeer oo horey dhacday in gaadiid Raashin iyo kuwo Dhuxul waday lagu waday duleedka degmadaas.