Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah e Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Qaraxii 14kii October 2017, kaaso ooay ku naf waayeen dad farabadan oo Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha oo Qoraal soo saaray ayaa sheegay in la xauusanayo, dadkii Soomaaliyeed ee lagu laayay qarxaasi ma hadhada reebay, waxaana sidoo kale uu umadda Soomaalueed ku booriyay in loo duceeyo dadkaasi.
“4 sano ayaa laga joogaa qaraxii 14-kii Ocboter 2017, oo ay ku shahiideen muwaadiniintii ugu badnaa ee mar qura argagixisadu naga dilaan.Waxaan xusuusaneynaa una duceyneynaa walaaleheennii ku nafwaayay, kuwii ku dhaawacmay iyo kuwii ku hanti beelay.Qaraxii bahalnimo ee 14-kii October waxa uu astaan u ahaa arxan darrida argagixisada Alshabaab ee aan u naxayn shacabka, kana been sheegaya diinta.Innagoo xusuusaneyna walaaleheennii ku waxyeelloobay weerarkaas waxshinimo, waa in aan isu kaashannaa in uusan nagu soo noqon xanuunkan oo kale, kana shaqeynaa nabadda iyo xoojinta dowladnimada” ayuu yiri RW Rooble