Waxaa goordhweyd soo gaba-boobay Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11aad,oo Caawa ka dhacday xarunta Teendhada Afisyooni ee Xayndaabka Xalane.
Shaeikh Aadan Madoobe ayaa kusoo baxay doorashada,w axaana hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu ku sheegay in Caawa ay tahay habeen taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed sugayeen in muddo ah, qeyb muhiim ahna ka ah dhammeystirka geeddi-socodka doorashada dalka.
Hoos ka akhriso Qoraalka uu saaray Ra’iisul Wasaare Rooble.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin diiran u dirayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo caawa lagu doortay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.
Caawa waa habeen taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed sugayeen in muddo ah qeyb muhiim ahna ka ah dhammeystirka geeddi-socodka doorashada dalka.
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka waxaan u rajeynayaa in uu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay iyo in doorashada madaxweynaha dalka u maareeyaan si daah-furan, deg deg ah oo nabdoon, mas’uuliyaddaas oo ay la wadaaagaan guddoonka Aqalka Sare oo isagana la doortay.
Waxaa mahad leh Allaha weyn oo noo suurto-geliyay in howlshii adkeyd ee doorashadu soo gaartay heerkan gabo-gabada ah . Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa guddoonkii KMG ahaa ee labada aqal, guddiyadii doorashada heerar-kooda kala duwan, ciidamada ammaanka Dalka iyo kuwa ATMIS, dowlad-goboleedyada dalka, beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed ee dulqaadka iyo taageerada nala garab joogay iyo cid kasta oo kaalin ku lahayd guushan la gaaray.