RW Rooble oo Farriin u diray Taliyeyaasha ammaanka iyo Ciidammada AMISOM

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la yeeshay taliyeyaasha hay’adaha ammaanka dalka iyo ciidammada AMISOM, kaas oo diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee dalka, gaar ahaanna caasimadda Muqdisho.

Kulan ayaa intiisi badan waxaa diiradda  lagu saaray arrimaha ammaanka, waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray hay’adaha amnigu inay xoogga saaraan dardar gelin howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee guud ahaan gobollada dalka iyo in si gaar ah loo adkeeyo amniga caasimadda.

Sidoo kale shirka ayaa lagu faaqiday sdiii loo adkayn lahaa ammaanka doorashooyinka guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor