RW Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed  Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay Djibuuti uga qeyb galeen caleemosaarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul waasaraha  dalka ayaa ka tirsanaa Madaxda Wadamada Afrika iyo kuwa Caalamka ee ka qeyb galay Caleema saarkii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loogu doortay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas 23 April 2021.

Madaxweyne Geelle ayaa markii shannaad loo caleemo saaray taladda isagoo helay tirada codadkii dadweynuhu dhiibteen inta ugu badan oo ah 98.41%.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor