RW Itoobiya oo Amray in Ciidamo la geeyo deegaanada ay ku dagaalamayaan Somalida iyo Oromada

Ra’iisul Wasaaraha Dalka itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa uu amar ku bixiyey in Ciidamo la kala dhex dhigo Dagaalka u dahxeeya Soomaalida iyo Qowmiyada Oromada ee dalkaas.

Hadalka Rai’sul wasaaraha ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay maalmihii ugu dambeeyay ay sii xoogaysteen xiisadaha u dhaxeeya Soomaalida iyo Oramada.

“waxaan amray in ciidammada milateriga iyo boliiska federaalku ay tagaan deegaannada ay ku dagaallamayaan qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee waddankaas,si dagaalka dadka badan ay ku dhinteyn loo joojiyo ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Todobnaadyadii la soo dhaafay waxaa waxaa socday dagaalo u dhaxeeya Qowmiyada Oromada iyo soomaalida,dagaaladaas oo galaaftay nolosho dad badan,sidoo kalena sabab barakaca kuow kale oo isugu jira soomaali iyo Oromo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor