Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geeridii ku timid Guddoomiyihii Akadeemiyad goboleedka Afka Soomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu tacsi tiiraanyo leh ugu diray qoyskiiska, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariiatee Dr. Maxamed Daahir Afrax oo Caawa ku geeriyooday Magaalada London.
Marxuum Afrax ayaa waxaa uu ahaa aqoonyahan iyo qoraa Soomaaliyeed ku xeel dheer afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, wax weyna ku biiriyay horumarinta dhaqanka iyo qoraalka Afkeenna hooyo.
“Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka iyo ummada Soomaaliyeedna sabir iyo Iimaan Allaha ka siiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlaayay geerida Marxuum Afrax.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Marxuum Dr. Maxamed Daahir Afrax uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsayay Isbitaal ku yaalla Magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoona xanuukii uu haayay uu ugu geeriyooday halkaas.