Ra’iisul Wasaare Rooble oo u amba-baxay dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo  wafdi uu hogaaminayo ayaa u dhoofay magaalada Doha ee dalka Qatar maanta  ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani,

Ujeeddada booqashada Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa ah sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani.

Dowlad Qatar ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya iyadoo hadda ka wadda mashaariic horumarineed oo ay ugu weyn tahay dhisamaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo la dhammeeyay iyo sidoo kale Muqdisho iyo Jowhar ooh hadda ay howsheedu

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor