Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Jowhar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, waxaana saaka Magaaladaasi gaaray wafdi hor dhac u ah socdaalka Rooble.

Ra’iisul Wasaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay in u jeedka uu Jawhar u tagay uu yahay u kuurgalidda saameynta ay fatahaadaha webigu ku yeesheen magaalada iyo sidii loogu gurman lahaa bulshada ku nool magaalada iyo Tuulooyinka hoostaga, kuwaasi oo dhibaato baahsani kasoo gaartay Fatahaadaha uu sameeyo Webiga Shabeelle.

 

Maxamed Xuseen Rooble oo Qoral soo saaray kadib tagi tankiisa Jowhar ayaa sheegay in heerka saameynta ay fatahaaduhu ku yeesheen dadka,magaalada iyo deegaannada hoos yimaada ay tahay meeshii ugu darnayd.

“axaan soo gaaray xarunta Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar oo ay fatahaadda webigu go’doomisay, si aan ugu kuur galo heerka saameynta ay fatahaaduhu ku yeesheen dadka,magaalada iyo deegaannada hoos yimaada, uguna gurmanno shacabkeenna waxyeelladu gaartay” ayuu yiri RW Rooble

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor