Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay weerarkii Maanta lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda ee ku taalla Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Xarunta Wasaaradda,waxaana dadkii ku geeriyooday kamid ahaa Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ahaana  Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Saqar Ibraahim Cabdalla iyo dad kale oo shacab ahaa.
Weerar ku bilowday qaraxyo gaari laga soo buuxiyay ayaa barqanimadii maanta rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab waxa ay ku qaadeen Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha,isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa weerarkaas markii dambe soo afjaray,waxaana Mas’uuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.