Ra’isul-wasaaraha dalka Japan Yoshihide Suga ayaa waxaa uu maanta ka badbaaday Codka Kalsoonida ee loo qaaday Xukuumadiisa, kadib, 9 bilood oo uu xilkaasi hayey.
Mooshinka waxaa ka difaacay Xisbiga uu RW Suga ka tirsan yahay ee LDP iyo Isbahaysigooda oo Aqlabiyad ku leh Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
Afar Xisbi oo Mucaarad ah ayaa ku baaqay Cod-bixintaasi, kadib, markii uu Xisbiga LDP ku gacan-sayray in Xilliga Fadhiga Barlamaanka oo ku ekaan doonaa berrito oo Arbaco ah lagu kordhiyo muddo 3 bilood.