Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Goordhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isagoo kusii jeeda dalka Kuwait.
Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Kuwait ayaa waxaa ku wehlinaya Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka,waxaana Garoonka kasii sagootiyay xubno kamid ah sii hayayaasha Wasiirada Xukuumadda.
Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa tacsida Boqorkii dalka Kuwait Sabah Al Ahmad Al Sabah oo dhawaan dalka Mareykanka ku geeriyooday.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaan weli soo magacaabin Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda, hayeeshee waxaa la filayaa inuu ku dhawaaqo Golaha Cusub saacadaha soo socda.
Waa safarkii ugu horreeyay ee dalka uga dhoofay Ra’iisul Wasaare Rooble tan iyo markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu 17-kii bishii September u magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.