Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hambalyo u diray Haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’aarke ayaa hambalyo ku Aadan Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka Waxaa uu u diray Haweenka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in Haweenka ay yihiin kuwa dhib badan soo maray hadana ka qeyb qaadanaya Dib u dhiska dalka iyo Hoorumaradda kale ee uu hiigsanaayo dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa hosta ka xariiqay in marnaba xukuumadiisa aysan u dulqaadan doonin dhibaataynta haweenka soomaaliyeed.

Gabagabadii hadalkiisa ayaa ugu baaqay Haweenka soomaaliyeed inay laba jibaaraan horumarinta Dalka Soomaaliya.

Gobolada dalka Qaarkood ayaa laga dhigay munaasabado kuwaas oo lagu muujinaayo muhiimadda Maalinta Haweenka Aduunka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor