Wakaalladda Wararka Raashiya ee INTERFAX ayaa ka soo xigatay ilo aan la carabaabin inay Raashiya qorshaynayso inay ballaariso Saldhigga Ciiddanka Badda iyo Cirka oo ay ku leeyihiin gudaha dalka Syria.
Raashiya waxay doonaysaa inay bilowday dib-u-dayactirka Dhabo Labaad oo ay Diyaaradaha adeegsadaan oo ku yaalla Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Humaymin kuna dhow magaalladda Latkiya.
Sidoo kale, Saldhigga Ciiddanka Badda ee Tartus ee dalka Syria ayaa la casriyeyn doonaa sidii loo ballaariyo Maraakiibta waa weyn ee ku soo xiran lahaa Dekedaasi.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Intarfakis waxay sheegtay inay Raashiya Gantaalladda S 300 ee Difaaca Cirka dhigi doonaan Degmadda Bastiyoon, halka Gantaalladda lagula dagaalamo Maraakiibta la dhigi doono magaalladda Tartua ee dalka Syria.
Madaxweynaha Raashiya, Valadamir Putin ayaa dhawaan sheegay in uu qeyb ka mid ah Ciiddankiisa laga saari doono dalka Syria, kuwaasi oo Dowladda Syria ka taageeray dagaalka lagu jiro Kooxaha Mucaaradka.
©Radio Dalsan