QM oo War kasoo saartay Weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Saldhiga Buulo-mareer

Guddoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, Csaba Kőrösi, ayaa si adag u cambaareysay weerarradii shalay lala beegsaday ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, saldhiggooda magaalada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyah ayaa waxa uu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay, sidoo kale shacabka iyo dowladda Uganda iyo Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay.

“Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.” ayuu yiri Csaba Kőrös.

Guddoomiyaha golaha loo dhanyahay ayaa ‘hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in cadaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi.

Al-Shabaab ayaa shalay weerar ku biliowday qaraxyo ku qaaday saldhiga ciidanka ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin degmada Buulo-mareer, waxaana weerarka lagu dilay Askar farabadan oo ka tirsaneyd ciidanka Uganda, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, sidoo kale Al-Shabaa saldhiga ayey saanad ciidan ka qaateen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor