QM ayaa joojisay dhamaan Kolonyadda gaadiidka ee gargaarka u waday dalka Syria, kadib, markii duqeyn lala beegsaday Gaadiidkaasi.
Duqeyntaasi oo ka dhacday duleedka Galbeed ee magaalladda Alepo waxaa lagu burburiyey 18 gawaaridii waday Gargaarka, iyadoo 12 qofna lagu dilay.
Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka aaya sheegay inaysan kala caddayn inay diyaaradaha Raashiya ama kuwa Syria geysteen duqeymahaasi.
Dowladaha Raashiya iyo Syria ayaa iyagana beeniyey inay ka dambeeyeen duqeymahaasi.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Gaashandhigga Raashiya ayaa sheegtay inaysan jirin caddaymo muujinaya in la duqeeyey Gaadiidka waday Raashinka Gargaarka.
Hadal ay Wakaalladda Wararka INTERFAX ka soo xigatay Gaashaandhiga Raashiya ayaa lagu sheegay inuu dab qabsaday Gaadiidka Mucaawanida waday ee ku gudbtey duleedka magaalladda Aleepo ee dalka Syria.
©Radio Dalsan