Qaraxyo qasaaro dhaliyay oo caawa ka dhacay Muqdisho

Qaraxyadan oo ahaa nuuca Bambanada gacanta laga tuuro aya waxaa caawa siyaabooyin kala duwan loogu weeraray askar katirsan ciidanka dowlada oo fadhiisin kuleh wadada dheer ee Wadnaha ee magalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa lasheegay in Bambo gacmeed ay ku tuureen ciidamo fadhiisin kuleh isgooska Jid-mareexaan ee dagmada Wardhiigley,waxaana la sheegay in uu halkaasi ku dhintay qof shacab ah oo goobta marayay sidoo kalana uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa Bambo gacmeed lagu weeraray ciidamo fadhiisin kuleh isgooska Howlwadaag ee magalada Muqdisho waxaana warar kala duwan ay ka soo baxayaan qasaaraha goobtaas ka dhashay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media