Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa haatan waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee uu ku furmayo Shirka dowladda Federaalka, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirka u furmaya Madaxda ayaa waxaa uu yahay mid lagu dhammeystirayo hanaanka doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan dhammaandka sanadkaan 2020/2021, isla markaana waxaa uu shirkaas saldhig u yahay heshiiskii Dhuusamareeb-3.
Sida qorshahu yahay shirka ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Sawirro laga soo qaaday Howlka uu shirka Madaxda ka dhacayo ayaa muujinaya inuu socdo diyaar garoowii ugu dambeeyay ee ku furmayo shirkaas, waxaana halkaas tegaya Madaxda.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kulamo gooni gooni ah ku yeeshay Madaxweyneyaasha Hirshabeelle, Puntland iyo Koonfur Galbeed, iygaoo ka wada hadlay arrimo kala duwan, sidoo kalena xaliyay khilaaafyo ka dhex-jiray.