Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ayaa waxaa kulan ku yeeshay qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo xubno ka socday Beesha Caalamka.
Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah,waxaana kamid  ah Khilaafka u dhexeeysa maamulada qaar ee dalka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo arrimo kale.
Waxaa la sheegay in kulamada Wakiilada ka socday Beesha Caalamka ay la qaateen Madaxda maamul Goboleedyada ay isugu jireen mid gaar gaar ah iyo kuwo guud oo la isla qaatay.
Madaxda maamul Goboleedyada ee ku sugan Magaalada Nairobi ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxda maamulada ay kala hadleen Beesha Caalamka hal oo muhiim ah,taasi oo ah in la sameeyo Road Map doorasho ah,isla markaana eedeymo kala duwan u jeediyay Xukuumadda Soomaaliya,iyagoo ku eedeeyay in weli aysan diyaarin nooca doorashada dalka.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay dowlada Federaalka Soomaaliya oo ku aadan Kulankii ka dhacay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ee u dhexeeyay Wakiilada Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira.