DEG DEG:-Qarax 7-aad oo Goor dhow ka dhacay dalka Sri Lanka

Jugta qarax Goordhow waxaa laga maqlay deegaanka Deliwala oo ku yaalla Magaalada Colombes ee dalka Sri Lanka,kaasi  oo sababay Khasaaro kala duwan.

Qaraxaan ayaa waxaa uu noqonayaa midkii 7-aad ee Maanta ka dhaca gudaha dalka Sri Lanka,kadib markii waabaragii hore ee Saakay Silsilado qaraxyo oo gaaraya ilaa 6 qarax lala beegsaday Hoteelo Casri ah iyo Kaniisado ku yaalla dalkaasi.

Qaraxaan ayaa si gaar ah waxa uga dhacay Xarun lagu haayo Xeywaanada duur joogta ah eek u taalla deegaanka Deliwala,isla markaana waxaa ku geetiyooday 2 qof,hayeeshee qaraxaan ayaa waxaa kusoo aadaya iyadoo weli lagu mashquulsan yahay kuwii hore ee ka dhacay dalkaasi.

Sidoo kale waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii lala beegsaday Hoteelo Casri ah iyo Kaniisado,waxaana dhimasho haatan ay mareysanaa 1 56,iyadoona ay ku jiraan 35 shisheeye ah oo wadamo kale u dhasha,halka dhaawacana uu ka badan yahay 250 qof.

Laamaha amniga dalka Sri Lanka ayaa ku dhawaaqay Bandow.

 

La soco wixii kusoo kordha Wararkan Insha Allaah   

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media